Type Here to Get Search Results !

Al-Shabaab oo 3 jiho ka weeraray Baxdo iyo Dagaal xoogan oo haatan ka socda gudaha magaaladaas












Al-Shabaab oo 3 jiho ka weeraray Baxdo iyo Dagaal xoogan oo haatan ka socda gudaha magaaladaas




Wararka aan ka heleyno degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas haatan uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka yimid, kadib weerar arroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo, iyagoo ka weeraray dhowr jiho, waxaana sidaas ku bilowday dagaalka socda oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dad ayaa waxaa ay kusoo warramayaan in dagaalka xoogiisa ka socdo gudaha degaanka, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaasta, iyadoona dagaalka ay ka qeyb yihiin dadka degaanka qaarkood oo is abaabulay.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka degaanka Baxdo ee bariga Gobolka Galgaduud, in kastoo la tilmaamay inuu jiro khasaaro kala duwan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug..

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale weeraro ugu qaadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug

 


 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID