Type Here to Get Search Results !

Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay askarta dowladda

 


Garbahaarey (Raasonews) – Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo haatan ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa kulamo kala duwan la yeeshay askarta dowladda ee ku sugan gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

Maxamed Cabduqadir Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada oo ka mid ah saraakiisha haatan jooga gobolka ayaa uga digay ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi dilalka shacabka, wuxuuna faray inay ka fogaadaan waxyeeleynta rayidka.

Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in askarta ay hubka u sitaan inay ku difaacaan shacabka, wuxuuna sheegay in askarigii ku xadgudbaa laga qaadi doono tallaabo adag.

“Waxa qoriga laguugu dhiibay waa inaa ku difaacido shacabka

 Soomaaliyeed, askarigii lagu helo inuu dilay qof muwaadin ah waxaa la marsiin doonaa sharciga,” ayuu yiri Maxamed.

Digniintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmihii u dambeeyey gobolka Gedo siyaabo kala duwan loogu dilay dad shacab ah, kuwaas oo dilalkooda ay geysteen askarta dowlada.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda Ciidamadu todobaadkan gudihiisa dil ku fulisay

 illaa laba askari oo siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu dilay degmooyinka Beledxaawo iyo Luuq.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo

badaneysay qeylo dhaanta shacabka ka imaaneyso ee ka dhanka ah ciidamada, waxaana ka mid ah meelaha ay dilalka ka geysteen Muqdisho oo dadka lagu dilay ay ka mid yihiin gabar iyo wiil walaalo ahaa.

 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID