Type Here to Get Search Results !

Siyaasi asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse ku dhashay dalka Tanzaaniya ayaa loo magacaabay in uu kamid noqdo golaha Wasiirada

 



Siyaasi asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya balse ku dhashay dalka

Tanzaaniya ayaa loo magacaabay in uu kamid noqdo golaha Wasiirada ee dowlada ay hogaamiso Madaxweyne Samia Suluhu .

Madaxweynaha Tanzaaniya ayaa isku shaandheyn ku sameesay

 golaheeda wasiirada, waxa ayna meesha ka saartay wasiiro damac uga jiro in ay isku soo sharaxaan xilka Madaxweynaha doorashada dhaceysa 2025.

Wasiiradda cusub ee magacawday Madaxweynaha Tanzaaniya

waxaa kamid noqday Xuseen Maxamed Baashe oo loo magacaabay wasiirka wasaarada beeraha ,waxa uuna siyaasigan Soomaaliyeed horey u ahaa wasiir kuxigeenka wasaaradaasi.

Muwaadinkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee loo magacaabay

 Wasiirka beeraha Xuseen Maxamede Baashe ayaa 26-kii August sanadkii 1975 ku dhashay gobolka Nzega, waana siyaasi si weyn looga yaqaan Tanzaaniya sidoo kale ah ganacsade weyn.

Xuseen Maxamed Baashe, oo isaga oo dhalinyaro ah ku biiray

 siyaasadda dalka Tanzaaniya kana tirsan xisbiga talada haya ayaa sidoo kale ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Tanzaaniya, waxa uuna horey usoo ahaa Wasiir kuxigeenka wasaarada beeraha.




raasonews

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID