Type Here to Get Search Results !

Somalia- Ugu yaraan toban qof oo ay ku jiraan shan askari ayaa ku dhintay maanta oo Arbaco ah qarax ismiidaamin


 

MUQDISHU, Somalia- Ugu yaraan toban qof oo ay ku jiraan shan askari ayaa ku dhintay maanta oo Arbaco ah qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.


Uuro cad ayaa la arkayay oo is qabsaday kadib markii qof naftii hure ah uu ku dhuftay gaari uu watay oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, xilli uu marayey wadada 21-ka Oktoobar ee u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan booliiska Maxamed Xuseen.


Xuseen ayaa sheegay in toban qof oo ay ku jiraan shan askari ay ku dhinteen qaraxa.


Wuxuu sheegay in shaqaalaha gurmadka ay u daad gureeyeen dadkii dhaawaca ahaa isbitaalka.


Dhanka kale, Cali Yare, ku xigeenka duqa Muqdisho ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa kolonyadii uu la socday, wuxuuna sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu dilo.


Al-Shabaab – koox xiriir la leh al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.


Kooxda ayaa sheegtay in ay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil ajnabi ah.


War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarka isagoo beeniyay wararka sheegaya in mid ka mid ah gaadiidkooda lala beegsaday qarax ismiidaamin ah oo Arbacadii dhacay.


Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu socday diyaar garow loogu jiro bannaanbax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, kaasoo lagu wado inuu dhaco maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID