Type Here to Get Search Results !

Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa xalay faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay Muqdisho


Muqdisho (Raasonews) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa xalay faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah Muqdisho, kadib weeraro ay ku soo qaadeen xoogaga Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Kaxda uu ku billowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay sameeyeen iska caabin.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale xusay in weerarkaas uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah iyo dhismaha saldhigga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inta uu socday dagaalka ay Kaxda gaareen ciidamo gurmad ah oo sameeyey howlgal ay kusoo qab-qabteen dad lgu tuhmayo weerarkaas.

“Weerarka ka dhacay degmada Kaxda waxaa waxyeello kusoo gaartay dad rayid aah iyo dhismaha Saldhigga Degmadaas, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliya.




Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday weerar kale oo xalay ka dhacay xaafadda Daarusalaam oo isna ku billowday qarax culus, wuxuuna tilmaamay inay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar iyo dad kale oo shacab ah.

Afhayeenka booliska ayaa xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan laba gabdho oo yar yar ah, askar ka tirsan ciidamada booliska iyo kuwa milatariga Soomaaliya.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari iyo kooxaha ka shaqeeya nabad-galyada aya aya gaartay” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weeraradan, waxaana ay shaacisay inay khasaare ku gaarsiisay askar ka tirsan dowladda, ayna kusoo furatay hub iyo gaadiid.

Weeraradan oo dhacay xilli saq-dhexe habeen ah ayaa kusoo aadaya, xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID