Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha ayaa la kulmay Sarkaal ka socday Midowga Yurub

raasonews24
0

 Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay Guddiga Gargaarka Bani’aadannimo ee Midowga Yurub Janez Lenarcic.


Kulanka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah Midowga Yurub ayaa waxaa looga hadlay sidii loo kordhin lahaa gargaarka, si looga hortago macluusha markale Soomaaliya ka dib.


Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha ayaa la kulmay Sarkaal ka socday Midowga Yurub






Ergeyga ayaa sidoo kale ka hadlay go’doominta lagu soo furtay kooxaha argagixisada ah oo hadda wajahaya colaado sokeeye iyo khalkhal dagaal oo horay looga saaray deegaano badan oo istiraatiiji ah.


Ergeyga ayaa ka codsaday Midowga Yurub in ay garab istaagaan dowladda Soomaaliya si indhaha caalamka ay u soo jiitaan halganka ay ugu jiraan dowladda iyo shacabka geesiyaasha ah si looga xoreeyo argagixisada.


Xildhibaan A/raxmaan A/shakuur ayaa u sheegay Midowga Yurub in Soomaaliya ay fursad u heysato, haddii laga caawiyo dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kaluumeysiga, Qalabeynta iyo Dhulka oo dabooli kara baahideeda iyo baahiyaha badan ee Afrika maanta ka jira.


"Argagixisadu waa cadowga ugu weyn ee maanta ka dhanka ah amniga, nabadda iyo been abuurka dalkeena." Waxa uu sheegay in Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Midowga Yurub uu ku booriyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in laga taageero sidii argagixisada looga xoreyn lahaa.


Ergeyga ayaa weli ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub oo uu ku soo bandhigayo abaaraha ka jira dalka, isagoo ku booriyay deeq bixiyayaasha inay sii wadaan ka qeyb qaadashada gurmadka.


Xafiiska Nairobi, Kenya

Post a Comment

0Comments

Post a Comment (0)

#buttons=(Accept !) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Check Now
Accept !
Contact Us