Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan hal bilyan oo dollar dhigtay bangiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan maanta oo Talaado ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, iyadoo dowladda Sacuudiga ay la daalaa dhacayso lacag yari iyo sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka iyo badeecadaha.
Riyadh ayaa hogaamisa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta xulafada la ah Iran tan iyo sanadkii 2015 ka dib markii Xuutiyiinta ay caasimadda Sanca ka saareen dowladda Sacuudiga uu taageero.
Colaadda ayaa joogsatay, iyadoo nabad la’aani jirtay, maadaama dagaalku uu inta badan joogsaday, balse labada dhinac ayaa ku guul-darreystay inay cusboonaysiiyaan xabbad-joojin ay Qarammada Midoobay ku heshiiyeen bishii Oktoobar.
Ilaa hadda ma cadda in $1 bilyan ay qayb ka tahay $3 bilyan oo taageero ah oo Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabtu ay bishii May ee la soo dhaafay u ballan qaadeen dhaqaalaha Yemen.
Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay koonfurta ayaa dhaqaalaheeda sii xumaanaya ka dib markii kooxda Xuuthiyiinta ay weeraro isdaba joog ah ku qaadeen saldhigyada halkaas ku yaala kuwaas oo caqabad ku noqday dhoofinta shidaalka oo ah il dhaqaale oo muhiim ah.
Bishii Nofembar, Sanduuqa Lacagta Carbeed wuxuu saxiixay heshiis $ 1 bilyan ah oo lagu taageerayo barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha Yemen.