Type Here to Get Search Results !

Danjire Ridwaan Xuseen, Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya,


Danjire Ridwaan Xuseen, Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa u magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee dalkaas.

Danjire Ridwan ayaa noqday madaxa hay’adda sirdoonka dalkaas, isagoo bedelay Temeseng Tiruneh oo loo magacaabay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in danjire Ridwaan uu noqon doono agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ee dalka.

                                                          Waa kuma Ridwaan?

         


Ridwaan Xuseen waxa uu dhashay 22 September 1971, waxa uu ka soo jeedaa Koonfurta Itoobiya oo ay degan tahay qowmiyadda Silte.



Ridwaan waxa uu ka qalin jabiyay jaamacada Addis Ababa 1995, isaga oo ku takhasusay cilmiga bayoolajiga.

Shahaadada Master-ka ayuu ka qaatay Jaamacadda Pacific University 2006dii, isagoo bartay hoggaanka ururka.

Waxa uu macalin dugsi sare ka noqday dalka Itoobiya. Waxa uu bare ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.

Intii u dhaxaysay sannadihii 2004-tii ilaa 2008-dii waxa uu ahaa madaxa xafiiska waxbarashada ee gobolka shucuubta Koonfureed, balse wixii ka dambeeyay waxa uu ka shaqo bilaabay siyaasadda dalka Itoobiya.

Danjire Ridwaan Xuseen ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay sanadihii lasoo dhaafay dowladda Itoobiya iyo xisbiga talada haya ee Itoobiya.

Ka dib dagaalkii uu dhiiga badani ku daatay ee Tigrayga, markii uu dib u soo laabtay xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea labaatan sano ka dib, danjire Ridwaan waxa uu muddo ku sugnaa Asmara isaga oo ah ergeyga gaarka ah ee Itoobiya iyo safiirka u fadhiya dalkaas.

Waxa kale oo uu noqday safiirka Itoobiya ee Ireland ka hor inta aanu noqon safiirka Eritrea ee dalkiisa.

Waxa uu soo qabtay xilal kale sida Wasiirka Isgaarsiinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo xilal kale oo dowladeed.

Wuxuu dowladda Itoobiya u matalay wadahadallo kala duwan oo dhexmaray Itoobiya iyo kooxaha mucaaradka.

Wajigii labaad ee wada xaajoodka u dhaxeeya ciidanka xoreynta Oromada iyo dowladda Tanzania ayaa waxaa qabtay wakiilka dowladda Itoobiya.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ridwaan Xuseen, oo ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ahaa madaxa wada xaajoodka dowladda federaalka Itoobiya ee heshiiska lagu soo afjaray dagaalkii gobolka Tigray.

Heshiiskii ay gaareen kooxda Tigray-ga iyo dowladda Adis-Abab ayaa ka dhacay Koonfur Afrika iyo Kenya.

      Muxuu kayiri heshiiska somali laan iyo itoobiya ay ku gareen adds ababa?


Heshiiska somaliland 

Markii dawladda Itoobiya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ay heshiis ku gaadheen Addis Ababa, Ambassador Ridwaan ayaa ahaa masuulkii inta badan warbaahinta ka hadlay.

Dhawaan ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay qadiyada madax banaanida Soomaaliya iyo colaada kala dhaxeysa Masar oo taageero militari u fidisay Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan ka dhistay webiga Niil.

Ridwaan Xuseen ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Itoobiya waxay ka go’an tahay nabadeynta iyo amniga Soomaaliya, waxaa ku caddaashay dhiiga iyo dhididka wiilasheenna iyo gabdhaheenna qaaliga ah, Itoobiya iyo Soomaaliya ma ahan oo keliya deris, balse waa dalal isku af ah, waana dal aan isku af nahay” ayuu yiri Ridwaan Xuseen. dhaqanka iyo dadka isku xidhka isu keenaa waa mid adag.

“Hadafkayagu waa mid isku xidhan oo aan kala maarmin, heshiiska aanu la galnay Somaliland waa wada shaqayn iyo saaxiibtinimo, kaas oo Itoobiya u sahlaya in ay badda gasho marka ay timaado ganacsi, dhul kuma kordhineyno, mana qaadanayno, madaxbanaanida dhuleed ee dal”.

Qoraalka iyo hadallada kale ee uu la wadaagay warbaahinta dalkiisa ayaa ahaa kuwa uu ku matalo dowladda Itoobiya.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID