Type Here to Get Search Results !

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan dooneyn in ay la gasho dagaal Soomaaliy


Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya aysan dooneyn in ay la gasho dagaal Soomaaliy

Waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha Aqalka Sare ee dalka Itoobiya. Abiye ayaa golaha ka hor jeediyay maanta oo Talaado ah.   Kulanka maanta ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku faahfaahiyay su’aalihii la weydiiyay ee ku saabsanaa heshiiskii uu bil ka hor la saxiixday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasoo ahaa in laga galo iridda badda.   

Ra’iisal wasaaraha ayaa la waydiiyay heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland, 

kaas oo dhigayay in Itoobiya ay hesho dhul badeedka Somaliland oo ay saldhig ciidan iyo saldhig milatari ka samaysato.  Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in Itoobiya la siiyo xeeb dhan 20 KM, balse heshiiskaas ayaa si weyn uga carooday 

Soomaaliya oo xiisad weyn ka abuuray gobolka.   36 maalmood ka dib heshiiska Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka hor jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn in uu dagaal la galo Soomaaliya. Wuxuu ku eedeeyay" ciidamo aan la magacaabin" inay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula geli lahayd Soomaaliya. 

 " Uma maleynayo in dowladda Soomaaliya ay doonayso inay isku dhacaan Itoobiya- waxay ila tahay." Laakin quwadaha daneeya ayaa doonaya in ay gacanta ku dhigaan dalka Soomaaliya, balse ma. rabaan. “ 

Diyaar uma nihin in aan sheegno ama sameyno wax xaalada uga sii dara ” ayuu yiri Abiy Axmed.   Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “ Ciidamada arrintan doonaya waxaa laga yaabaa inay ka dambeeyaan walaalaheen Soomaaliya, maadaama ay hadda warbaahinta u adeegsadaan walaalaheen qurbaha, balse ma nala tartami karaan?   


Abiye ayaa sheegay in dowladiisa aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Soomaaliya.   “ Ma jirto dowlad ka shaqeysay midnimada Soomaaliya sidayda oo kale, waan ka daalnay in Soomaaliya iyo Somaliland la isku keeno, haddii Soomaaliya iyo Somaliland ay heshiiyaan berri, Itoobiya ayaa noqoneysa dalka ugu horreeya ee farxadda leh ” ayuu yiri Abiy Axmed..   Wuxuu kaloo yiri" Ma doonayno inaan cidna wax ka qaadanno, ma doonayno inaan cid kale madax- bannaanida taabanno". 

Balse ma, uusan sheegin in Itoobiya ay aqoonsan doonto Somaliland iyo in kale, tallaabada xigtana ay qaadi doonaan.   Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku filan tahay dhibaatooyin ay ka mid yihiin abaaraha, isla markaana aysan awood u lahayn inay cidna weeraraan. Balse wuxuu sheegay in haddii dalkeeda lagu soo duulo ay Itoobiya awood u leedahay inay iska difaacdo cid kasta oo soo weerarta.   “

 Itoobiya waligeed cid kuma soo duulin,( dal kale) cidna kuma soo duulin, saddex dal waxba kama qaadan karno toban iska daayee, dagaalna ma jirto, anigu dagaal ma rabo, haddii uu yimaado waanu is difaaci karnaa. Cidna socon mayno, laakiin haddii nala soo weeraro, waanu is difaacaynaa, ha ka welwelin taas.   Kiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ayaan wali xal laga gaarin, iyadoo uu weli taagan yahay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay Soomaaliya codsatay in arrinta la xaliyo. 

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID