Type Here to Get Search Results !

Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in la qaadaco jaamacadaha iyo shakhsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil


Bannaanbaxyo lagu dalbanayo in la qaadaco jaamacadaha iyo shakhsiyaadka xiriirka la leh Israa’iil inta lagu guda jiro dagaalka hadda socda ayaa ka dhacay xarumo ku yaalla dalka Mareykanka.

Xiisada ayaa taagneyd tan iyo weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku dishay 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, waxaana ay keentay in Israa’iil ay weerar dhulka ah ku qaado Gaza, kaasoo ay ku dhinteen 34,000 oo qof. Falastiiniyiinta.

Mudaaharaadyadii ugu horreeyay ayaa lagu arkay Jaamacadda Columbia ee magaalada New York, ka dibna waxay ku fideen qaybaha kale ee dalka.

Magaalada Austin ee gobolka Texas, guddoomiyaha ayaa ku amray ciidamada gobolka inay xiraan dibadbaxayaasha. Banaanbaxa ayaa wali socda waxaana idiin soo gudbineynaa qaar kamid ah goobihii uu ka dhacay.





Jaamacadan ayaa ah meeshii ugu horeysay ee ay ka bilowdeen banaanbaxyadii ugu horeeyay, waana meeshii ugu horeysay ee lagu eedeeyo naceyb.

In ka badan 100 mudaaharaadayaal ah ayaa la xiray todobaadkii hore, ka dib markii madaxweynaha jaamacadda Ivy League uu ka codsaday booliska inay nadiifiyaan goobaha mudaaharaadyada.

Codsigeeda waxa uu daba socday marqaatigeedii horteed Congress-ka ee ku saabsan jawaabta ay jaamacaddu ka bixisay weerarkii naceybka ee lagu eedeeyay jaamacadda.

Balse xariga ballaaran ayaa u muuqday mid sii xoojinaya mudaaharaadyada socda, sida ay sheegeen dad mudaaharaadayay muddo toddobaad ah.

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo gabadheeda lagu xiray Jaamacadda Columbia, ayaa BBC-da u sheegtay in mudaaharaadku uu ku billowday dhowr arday, kadibna uu si degdeg ah u faafay, sababo la xiriira xarigga ballaaran ee loo geystay.

"Kani waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq ka bilaabmay 70 arday," ayay u sheegtay BBC Khamiistii iyada oo ku sugan jaamacadda Columbia.

"Kadib markii Jaamacadda Columbia ay go'aansatay inay gacan bir ah qabato oo ay ku xad-gudbaan xuquuqdooda sida ku cad qodobka 1-aad ee dastuurka, hadda waxaa looga baahan yahay dalka iyo caalamka oo dhan," ayay raacisay.




Jaamacadda Emory

Magaalada Atlanta, daraasiin mudaaharaadayaal ah, laakiin aan xiriir la lahayn Jaamacadda Emory, ayaa dhistay teendhooyin Khamiista, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay jaamacadda.

Maamulka ayaa sheegay in koox ka timid dalka dibadiisa ay ku biireen ardayda wax ka barata Jaamacadaha, waxaana markii ay diideen in ay ka baxaan ciidamada Booliska Emory ay xireen tiro arday ah.

Jaamacadda Koonfurta California

Go’aanka ay jaamacaddu ku joojisay khudbad ay jeedinayeen ardaydii kaalmaha hore gashay ayaa caro badan dhalisay.

Xafladda ayaa la filayey inay ka soo qayb galaan 65,000 oo qof.

Dhallinyaradan oo lagu soo xulay waxqabadkooda sare iyo doorka ay ku leeyihiin nolosha jaamacadda, ayaa qoraal (link) ku faafiyay internetka oo aad u dhaliilaya Israa’iil, taasoo keentay in eedaymo nacayb ah la soo jeediyo oo markii dambe la ogaaday. 

Jaamacaddu waxay sheegtay in baaqashada xafladda ay ku timid ammaanka Jaamacadda, mana aysan cambaareyn qoraalka ardayda.

Balse go’aankaasi waxa uu dhaliyay dibad baxyo taageersan Israa’iil iyo Israa’iil. Dibadbaxayaasha Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay in arday Muslim ah uu khudbada jeediyo.

Arday Israa’iili ah ayaa ugu baaqay jaamacadda inay cambaareyso mowqifkeeda. Arbacadii, booliiska Los Angeles ayaa wacay oo xiray 93 qof.


Jaamacadda Texas

Booliska ayaa 57 qof ku xiray habeenimadii Arbacada Jaamacadda Texas ee Austin.

Ciidamada ka hortaga rabshadaha ayaa la arkayay iyagoo wata mooto bajaajta oo eryanaya dibadbaxayaasha.

Barasaabka gobolka Texas Greg Abbott, oo u wacay booliiska, ayaa ku qoray X in mudaaharaadyadu ay ahaayeen kuwo Yuhuud naceyb ah, wuxuuna ku baaqay in ardayda shaqada laga eryo.

Xubnaha dimuqraadiga ah ee gobolka ayaa ku andacoonaya in xadhiga ballaaran uu noqday "dacaayad".

Jaamacadaha kale ee ay dibadbaxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Jaamacadda New York, Harvard University, Emerson University, Yale University, George Washington University, Georgetown University iyo American University.


Waa markii ugu horeysay oo dhaq-dhaqaaq xagjir ah uu ka qarxo jaamacadaha ugu waaweyn dalka Mareykanka.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID