Type Here to Get Search Results !

Ilhan Cumar iyo Trump oo mar kale fooda-isdaray

Ilhan Cumar iyo Trump oo mar kale fooda-isdaray

📍 USA | 📅 2026-06-11

Ilhan Cumar iyo Trump oo mar kale fooda-isdaray ''Waxaan ku noolahay maskaxda Trump''

Madaxweynaha Maraykanka iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa mar kale fooda-isdaray, kadib markii uu Trump eedo hawada u mariyay xildhibaanada isaga oo sheegay inay tahay in dalka laga saaro. Shir jaraa'id oo uu kaga hadlayay arrimaha Iiraan iyo kaluumaysatada ayaa su'aalo la weydiinayay uu kusoo dhex daray eeda uu ujeedinayo Xildhibaanada iyo sidoo kale Soomaaliya oo ah dalka ay asal ahaan kasoo jeedo. Gobolka Minnesota ayuu tusaale ahaan usoo qaatay waxa ka dhacaya iyo sidoo kale Soomaaliya oo uu sheegay inay ka yimaadeen, kuwo uu sheegay inay khiyaameen nidaamkooda. '' Eeg waxa ka dhacay Minnesota. Soomaaliya. Dadkan oo dhan waxay ka yimaadeen Soomaaliya. Waxay khiyaameeyeen nidaamkeenna. Waxaa jirta haweeney guursatay walaalkeed. Waxay timid oo guursatay walaalkeed. Miyaanay qurux badnayn?'' Waxa uu sheegay in Ilhaan Cumar ay ka hadasho dastuurka Maraykanka, uusana dastuur lahayn dalka ay ka timid.

'' Kadibna waxay ka hadashaa Dastuurka Mareykanka. Waxay ka timid Soomaaliya. Soomaaliya dastuur ma leh. Boolis ma leh. Waxba ma leh. Waxa kaliya ee ay hayaan waa dad is daba ordaya oo is tooganaya. Kadibna waxay timaadaa oo na baraysaa sida waddankeena loo maamulo. Anigu taas ma jecli. Dadkani ma jecla. Waxaan kuu sheegi karaa. Waxaan u maleynayaa inaan idiin hadli karo.'' Soomaaliya ayuu ku tilmaamay inay tahay mid kamid ah dalalka ugu xun adduunka oo aan waxba lahayn. ''Ilhan Omar. Waa ay timid. Waxay na baraysaa sida Mareykanka loo maamulo. Waxay ka timi meel aan waxba lahayn. Aan waxba lahayn. Malaha waa mid ka mid ah dalalka ugu xun adduunka. Kadibna waxay leedahay, Dastuurka Mareykanka ayaa i difaacaya. Ma ahayn in la difaaco. Runtii, waa in dalka laga saaraa'' Waxa kale oo uu weeraray nidaamka cod bixinta ee gobolka Minnesota iyo masuuliyiinta laga soo doorto, isaga oo sheegay inuu saddex jeer ku guulaystay Minnesota, laakiinse aan isaga la siin guusha. ''Waa musuq iyadu. Dadka intooda badan ee yimid waa musuq. Nidaamka codbixinta oo dhan waa musuq ka jira Minnesota. Waxaan ku guuleystay Minnesota saddex jeer. Si fudud. Waxaan ku guuleystay ku dhowaad degmo kasta. Laakiin ima siin. Waa nidaam musuq ah. Waa Gobol aad u musuq ah. Guddoomiyuhu waa xun yahay. Xeer ilaaliyaha guud waa xun waa xun yahay. Dhammaantood waa dad musuq ah''

ℹ️ Isha Warka: raasonews
🚨 WAR DEG DEG AH

Sida ay dunidu u garab-istaagtay garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan

📍 mar — ⏱️

Dadyoow badan oo ah maqaawiirta ciyaaraha, siyaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaasha hay'adaha caalamiga ah ayaa ka falceliyay dhacdadaan. Dadkaas waxaa kamid ah

📌 Khasaaraha Hordhaca Ah:
Tan iyo Markii maraykanku dalkiisa u diiday in uu galo garsooraha ciyaaraha ee Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ku socday in uu dhexdhexdaadiyo hardanka koobka adduunka ee ee sanadkaan dhacaya sheekada Cumar ayaa noqotay mid dunida oo dhan qabsatay, sida ka muuqata dhacdooyinkii waaweynaa ee dunida saamaynaayay iyo waliba kuwii Soomaaliya gudaheeda ka dhacaayay. Dadyoow badan oo ah maqaawiirta ciyaaraha, siyaasiyiin, iyo hoggaamiyeyaasha hay'adaha caalamiga ah ayaa ka falceliyay dhacdadaan. Dadkaas waxaa kamid ah. Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro: Wuxuu si cad uga falceliyay arrinta. Wuxuu ku dhaleeceeyay in Cumar Artan laga reebay Koobka Adduunka sababo la xidhiidha midabka maqaarkiisa ..waxuu sheegay in qofna aan loo takoorin midabkiisa sida ku dhacday Cumar Cartan. Hillary Clinton Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee hore: Clinton waxay ku qortay barteeda Facebook ah inay Maraykanka ahayd mid "si fudud u xannibaysa saraakiisha oo ka diidaysa inay waxqabadka u yimaadaan" iyadoo martida ku ah Koobka Adduunka. Waxay ku tilmaantay go'aanka inuu yahay "aad u dambeeya" iyo "mid waxyeello ku keena" xiriirka caalamiga ah. Tedros Adhanom Ghebreyesus Agaasimaha Guud ee WHO: Tedros ayaa qoraal ku daabacay barta X, isagoo sheegay in Cartan uu garay heerka ugu sarreeya ee xirfaddiisa isagoo noqday "garsoorihii kubadda cagta ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee halkaas gaara, isla markaana ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan Afrika. Guushaas cidina kama qaadi karto." Ayuu yidhi isagoo Tedros laba qoraal oo midna Soomaali yahay midna Ingiriis yahay ku daabacay bartiisa.

raasonews

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Top Post Ad

Below Post Ad

Your Category Navigation ID