Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijada doorashadii isku sidkanayd ee dhammaadkii bishii hore ka dhacday degmooyinka dawlad goboleedka Galmudug. Waxay maxkamaddu ku dhawaaqday in dib loogu laaban doono doorashada Galmudug, waxaana xukunka ku dhawaaqay gudoomiyaha Maxkamadda Sare, 

Baashe Yuusuf Axmed. Dacwadda lagu baabi'iyay natiijada doorashada Galmudug, waxaa gudbiyay urur siyaasadeedka Towfiiq oo kamid ahaa ururradii ka qaybagalay doorashada, sida uu BBC-da u xaqiijiyay 
Gudoomiyahooda Sheekh Maxamad Shaakir Cali Xasan oo wareysi siiyay BBC-da. "Anagaa dacwadda gudbinay. Natiijadii uu soo saaray guddiga doorashadu aan ka cabaneynaa", ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da la hadlayay, isaga oo hadalkiisa sii raaciyay, 


"Gudoonka maxakamadda sare oo Soomaalidii oo dhan tusay kalsooni waan u mahadcelineynaa, qareenadii towfiiq oo juhdiga dheeraadka ah bixiyay iyaga waan u mahadcelinayaa ", 


 Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dacwadda ay u gudbiyeen maxkamadda ay sulaysneed 'in la baalmaray habraacii loo jideeyay doorashada' ay tartankeeda qaybta ka ahaayeen, iyo 'intaasi horseeday in xornimadii iyo xalaashii doorashada uu dhaawac soo gaaro. Isaga oo ka hadlay sida uu arko go'aanka maxkamadda ayuu yiri, "Runtii arrin aad iyo aad Soomaaliya oo dhan u soo dhawaysay weeye, ee maahan mid ururka Towfiiq oo kaliya ku kooban.... rajo Soomaaliyeed oo kor u kacday weeye. 


Hammigii ururada oo dhanaa kor u kacay," ayuu yiri Sheekh Shaakir oo wax laga waydiiyay sida ururkiisu u arko go'aanka ka soo baxay maxkamadda. Waxa kale oo uu sheegay in cadeymo kala duwan oo ku aadan eedeymahaas ay qareenada ururkiisu u gudbiyeen maxkamadda. "Maqal iyo muuqaal iyo qoraal intaba way ahaayeen [cadeymuhu]', ayuu u sheegay