Type Here to Get Search Results !

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Balcad (Raasonews) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe

 ayaa sheegaya saaka aroortii hore dagaal yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab

ay weerar ku qaadeen deegaanka Qalimow oo waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka, kadib uu xigtay dagaal foolka fool ah oo dhex-maray xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaasi ayaa guullo 

ka sheegatay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gabi ahaan gacan ku heynta deegaankaasi oo muhiim u ah isku socda magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya

 in dagaalyahanada fuliyey weerarka ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada, ayna ka qaateen saanad milatari.

Ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa lagu dilay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen ilo 

lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo HirShabelle oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay halkaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana Qalimow oo ah deegaan istaraatiiji ah, kuna yaallo waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xoogan.

Dhowaan ayey aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar culus ku qaaday magaalada Balcad oo ay muddo kooban la wareegtay, walow ay markii dambe ay dib uga baxday.

 

 

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID