Type Here to Get Search Results !

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY. Muqdisho, 07, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa intii ku sugnaa magaalada Addis Ababa kulan la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda oo ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo booqashada Labada Dowladood ee kulanka, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka Itoobiya guud ee Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qaybgashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynayaasha Saambiya Mudane Hakainde Hichilema iyo Gaana Mudane Nana Akufo-Addo, oo uu ka wada hadlay xaaladda murugsan ee Soomaaliya iyo wax wada qabsiga wadamada Qaaradda Afrika

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID